Wararkii ugu dambeeyay gulufka Gobolka Hiiraan

Xilli maalmihii la soo dhaafay uu gaabis ku yimid hawlgaladii, sida dardarta lahaa uga socday Gobolka Hiiraan ayaa la soo sheegaya in hawlgaladu ay dib uga bilowdeen gobolkaasi.

Ciidamada oo wejigii hore ee hawlgalada kula wareegay inta badan deegaanada bari ee gobolkaasi ayaa waxay hadda u muuqdaan kuwo hawlgalo sifeyn ah ka sameynaya deegaanada dhaca dhanka galbeed ee Webiga Shabelle.

Ciidanka Xoogga Dalka oo ay horkacayaan Kumaandooska Danab iyo xoogaga deegaanka ayaa hawlgaladan ka wada inta u dhaxeyso Beledweyne iyo Halgan, waana hawlgal la isugu furayo waddada laamiga iyo jiinka webiga.

Ciidamada oo Arbacadii ka dhaqaaqay xeryahooda Beerxaano iyo Tarejante ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay la wareegeen deegaanada Garasyaani, Cabdi Cagweyn, Dhagaxyaxoor iyo Booco.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamadu ay heleen xog sheegaysa in maleeshiyada Al Shabaab ay qorsheynayaan mid la mid ah weerarkii ay Jimcihii ka gaysteen saldhigga Ciidanka Gorgor ee deegaanka Burdaar, oo hoostagga Magaalada Beledweyne, ka dib markii ay ka soo gudbeen dhinaca webiga.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo ku sugan Caasimadda Muqdisho ayaa wareysi uu dhawaan siiyay VOA waxa uu ku sheegay inay waqtiga dhow ka hawlgeli doonaan Shabaabka ku harsan Webiga Shabelle dhinaciisa galbeed.

“Dhanka bariga waan ka sifeynay Shabaab, wuxuuna ku haray oo keliya Webiga Shabelle dhinaciisa galbeed, asagana waqtiyo dhow haddii Alle idmo, waan ka suulin doonnaa.” Ayuu yiri Gudoomiye Jeyte.

Gulufka Gobolka Hiiraan oo ka tilmaaman hawlgalada kale ee dalka ka socdo ayay dadka qaarkii ku macneeyeen mid ifafaalo wanaagsan u ah bar dhamamadka mintidiinta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com