Danjire Tarsan oo qaabilay Safiirka Mareykanka u joogga dalka

Safiirka Somaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Danjire Maxamuud Axmeed Nuur Tarsan ayaa qaabilay Safiirka Mareykanka ee dalka, Danjire Larry André.

Kulankooda ayay kaga wada hadleen iskaashiga labada dowladood iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Danjire Tarsan ayaa Danjire André kaga mahadceliyay garab istaagga Dowladda Mareykanka ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa Villa Somalia ka taageera tababarada ciidamada, amniga iyo dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto maleeshiyada Al Shabaab.

Mareykanka waa dalka ugu horreya ee duqaymaha dhanka cirka ku bartilmaameedsada maleeshiyada Al Shabaab iyo horjoogayaashooda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com