Korneyl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo lagu xiray Gobolka Virginia

Korneyl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ka tirsanaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka ee Dowladdii Militariga ayaa lagu xiray dalka Mareykanka, iyadoo loo haysto tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa Saraakiishii ku dhaweyd Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, isagoona ka mid ahaa Saraakiil tababar wanaagsan ku soo qaatay dalka Mareykanka, sida uu sheegay qareenkiisa Joseph Peter.

Ninkan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Taliskii Militariga, isagoona mar soo noqday Taliyaha Guutada 5aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigoodu ahaa Magaalada Hargeysa.

Korneyl Yuusuf Cabdi Cali oo muddooyinkii ugu dambeysay deganaa dalka Mareykanka ayaa sanadahaanba wajahayay eedeymo xoog leh oo kaga imaanayay dad ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland), kuwaa oo ku eedeynaya in gabood-fallo uu ka gaystay Gobolka Waqooyi Galbeed.

Bishii May ee sanadkii 2019 maxkamad ku taala duleedka Magaalada Washington ayaa ku heshay mid ka mid ah laba fal dembiyeed oo lagu soo oogay. Maxkamadda ayaana sheegtay in lagu helay jirdil uu sanadkii 1987-kii u gaystay Farxaan Maxamuud Warfaa, waxayna ku xukuntay inuu bixiyo magdhow gaaraya shan boqol oo kun oo dollar ($500,000).

Wax yar uun ka dib burburkii Dowladdii Dhexe, Korneyl Tuke ayaa sanadkii 1992-kii laga soo tarxiilay dalka Canada, markii Warbaahinta CBC ay baahisay dokumentiyo lagu sheegayay in uu amray dilka dad badan oo rayid ah.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay waxaa soo badanayay dadka ku eedeynaya in gabood-fallo uu ka gaystay Magaalada Gabiley, waana intii Dowladdii Militariga ay gacanta adag ku wajaheysay Jabhaddii SNM.

Wararka la xiriira xarigiisa ayaa sheegay in Jimcihii lagu xiray deegaanka Springfield ee Degmada Fairfax ee Gobolka Virginia.

Saraakiisha Dembi Baarista Mareykanka ayaa baaraya waxa ka jira wararka sheegaya inuu gaystay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay qayb ka yihiin dil iyo jirdil.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com