Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Madaxtooyada cusub ee Galmudug (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku bogaadiyay Madaxda Galmudug dadaalka xoogan ee ay geliyeen dhismaha xarumaha danta guud ayaa tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta cadowga ay ka turjumeyso go’aanka wanaagsan, ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug.

“Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxa ay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda. Astaan dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxalgal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Munaasabadda xarig jarka xarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug waxaa ka qaybgalay Wasiiro iyo Xildhibaano heer federaal ah, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, masuuliyiinta Maamulka Gobolka Galguduud iyo kan kan Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com