Ruushka oo xaaladdii ugu adkeyd geliyay dadka reer Ukraine

Qabowga ayaa sii kordhi doona billaha soo socda, waana qabowga xakameeya dhaqdhaqaaqa bulshadooyinka ku dhaqan Qaaradda Yurub, illaa iyo inta laga garayo xagaaga soo socda, markaasoo ay diirimaadka qoraxda dib u heli doonaan.

Marka laga soo taggo in dadka reer Yurub ay dhibaato badani ka tirsadaan xilliga qaboobaha, haddana waxaa sanadkan shacabka dalka Ukraine oo dagaal uu ku furan yahay u sii dheer, iyadoo uu Ruushku burburiyay xarumihii tamarta ee dalkaasi.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu burburiyay kaabayaashii korontada iyo warshadihii gaaska farsameynayay.

Shacabka dalkaasi ayaa ka cabanaya inaanay haysan gaaskii ay cuntada ku karsanayeen iyo weliba adeeggii korontada, ee ay ugu baahida badnaayeen xilligan qaboobaha.

Koronto la’aanta dalkaasi ka jirta ayaa sidoo kale carqaladeysay helitaankii biyaha, tani ayaana si weyn looga dareemay magaalooyin ay ugu horreyso Caasimadda Kyiv.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa khudbaddiisii habeenlaha ku sheegay in toban milyan oo reer Ukraine ah ay hadda koronto la’aan yihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay, xilli dadka reer Ukraine ay dhibaatada intaasi le’eg wajahayan uu Ruushku sii wado duqaymihiisa ka dhanka ah ilaha tamarta.

Zelenskyy ayaa sheegaya inay juhdi badani gelin doonaan, sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen adeeggii korontada ee dalka.

Bulshada ku dhaqan magaalooyinka dalkaasi ayay hadda dhibaato ka haysataa, sidii ay uga gudbi lahaayeen jiilaalkan. Jiilaalku waa xilliga ugu qabow Qaaradda Yurub, waana xilliga ay dadku ugu isticmaalka badan yihiin tamarta, si ay diirimaad uga dhigtaan, waana qabowga barafka da’aya wata ee ay dadka da’da ahi u nugul yihiin.

Tiro yar oo ka mid ah dadka reer Ukraine ayay u suurtagashay inay iibsadaan motoorada yar-yar ee dab dhaliyaasha, si ay u adeegsadaan qabowga hadda uun bilowga ah.

Qorshaha qabyada ah ee ay dowladdu waddo ayaa ah, sidii ay magaalooyinka waaweyn uga hirgelin laheyd xarumo ay dadku isku diiriyaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com