Socdaalka Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Gobolada Dhexe

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal ku maraya Gobolada Dhexe, ka dib markii Sabtidii uu guda galay socdaalkiisa uu ku xoojinayo gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha oo ku horreyay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa halkaasi kula kulmay dadka deegaanka, kuwaa oo uu ku bogaadiyay kacdoonka ay ku diidan yihiin maleeshiyadaasi.

Madaxweynaha ayaa aqbalay codsiga dadka deegaanka, ee ah in Dowladda Federaalka ay garoon diyaaradeed ka dhisto degmadaasi.

Madaxweynaha ayaa intaasi ka dib u gudbay Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo masuuliyiin kale.

Deegaanada hoostagga Baxdo ayaa ka mid ah goobaha ay ka socdaan hawlgalada uu yoolkoodu yahay in Shabaabka looga ciribtiro deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somaliya oo dadka reer Baxdo kula hadlayay barxadda Masaajidka Al Nuur ayaa ku ammaanay in waqti ku habboon ay qaateen go’aan dhaxal-gal ah, kaas oo horseeday in si nabad iyo xoriyad lehba ugu noolaadaan deegaankooda.

“Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayay qaateen go’aan dhaxal-gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda, iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada khaldan iyo addoonsiga Khawaarijta, isla-markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda. Geeddiga dabar-goynta Khawaarijtu waa bilowday, waa in aan dhakhso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday, iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa reer Baxdo u sheegay in adeegyada dowladda la gaarsiin doono deegaanada laga xoreeyay Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisa sii wata ayaa gaaray Degmada Wisil ee Gobolka Mudug, isaga oo markaasi xoojinaya hawlgalada la doonayo in Shabaabka looga sifeeyo dhulka ay ka maamulaan gobolkaasi.

Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Wisil ayaa sheegay in halganka maanta uu ku saleysan yahay xoreynta deegaanada kale ee kooxaha argagixisadu ku dhibaateynayaan shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horaan wacad ku maray in dowladdiisu ay soo afjari doonto waayihii Ururka Al Shabaab ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com