Wakiilka cusub Midowga Afrika oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (SAWIRRO)

Wakiilka cusub Midowga Afrika ee dalka ahna Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Danjiraha ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Somaliya, Isaaq Maxamuud Mursal, Kuxigeenka Wakiilka Midowga Afrika, Fiona Lortan, Saraakiisha Militariga iyo kuwa Booliska ee Hawlgalka ATMIS.

Wakiilka cusub oo u dhashay dalka Comoros ayaa bedelaya Wakiilkii Midowga Afrika ee dalka laga eryay, Amb. Francisco Madeira, kaas oo Raysal Wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble uu ku eedeeyay in uu faraha la galay wax aan shaqadiisa ahayn.

Madeira ayaa lagu eryay warqad 7-dii bishii April ka soo baxday xafiiska Rooble, iyadoona lagu sheegay in ninkaasi uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadii uu Midowga Afrika uga wakiilka ahaa.

“Dowladda Somaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin, isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.” Ayaa lagu yiri warqadda.

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa xilligaasi ka horyimid tallaabada dalka looga eryay Madeira, balse 1-dii bishii September ayuu go’aansaday in Danjire Souef uu jegadaasi u soo magacaabo.

Madeira oo u dhashay dalka Mozambique ayaa xilka loo soo magacaabay bishii October ee sanadkii 2015, isagoona muddadaasi ku magacawnaa Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta ee ATMIS.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com