Xasan Sheekh oo kormeeray goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii Beledweyne (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira socdaalkiisa Gobolada Dhexe ayaa gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), xubno ka tirsan Labada Gole ee Hirshabelle, Saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa kormeeray goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii waaweynaa ee 3-dii October gilgilay Magaalada Beledweyne.

Qaraxyadan oo saddex gaarayay, loona adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa burbur xoog leh u gaystay Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle, tan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo goobo kaloo ganacsi oo ku dhow dhow.

Maleeshiyada Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxyadaasi ayaa galaaftay nolosha 30 qof iyo dhaawaca 58 kale, sida uu horaanba Warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo indha-indheeyay burburka baahsan ee ka muuqanaya Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ee Beledweyne.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay hal meel uga soo wada jeestaan halka cadow, ee ay maanta leeyihiin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com