Ciidamada oo toogtay Saraakiil Shabaab oo hawlgal ay ku soo qabteen

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay ku toogtay laba horjooge oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii Shabaabku ay saakay weerareen xerada ciidamada ku leeyihiin Deynuunaay, oo 26km u jirta Magaalada Baydhabo.

Horjoogeyaashan oo maleeshiyada Al Shabaab u qaabilsanaa uruurinta zakaawaat-ka (maaliyadda) ayaa xalay lagu soo qabtay hawlgal ay Ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen deegaanka Mooda-moode, oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba.

Ciidanka ayaa raggaasi geeyay xeradooda Deynuunaay, oo markii horeba ay ka ambabaxeen. Shabaabka oo malaha hawlgalkaasi ka careysan ayaa weeraray xeradaasi, halkaas oo dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday uu labada dhinac ku dhex maray.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay toogteen labadii horjooge, iyaga oo baqdin ka muujiyay suurtagalnimada in Shabaabku ay qabsadaan xeradaasi, sida marar badanba dhacday, inkastoo aanay taasi dhicin, ayna ciidamadu dib u caabiyeen mintidiintii weerarka soo qaaday.

Aadan Maxamed Cali (Aadan Baawiish) oo ka mid ah Saraakiisha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa VOA u sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid gaadma ah oo Shabaabku ku soo qaadeen ciidan ka tirsan kuwa xerada Deynuunaay, isla-markaana ay dib uga carareen goobta.

Aadan Baawiish ayaa sheegay in ciidamadooda ay laba askari kaga dhimatay dagaalkaasi, balse ma soo hadalqaadin tallaabada ay ciidamadu ku dileen horjoogeyashii lagu soo qabtay hawlgalkii Mooda-moode.

Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in ciidamadu ay dileen labadaasi nin, intii uu weerarku socday.

Labada askari ee ciidamada kaga dhimatay dagaalkii Deynuunaay ayaa lagu aasay Magaalada Baydhabo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com