Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Dekedda Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta kormeeray Dekedda Magaalada Muqdisho, oo ah mid ka mida ilaha dhaqaale ee Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda dardargelinta howlaha shaqo ee dekedda weyn, si kor loogu qaado dakhliga dowladda.

Madaxweynaha ayaa booqday qaybaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho, ee loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna faray howlwadeennada in iyaga oo ilaalinaya qaanuunka dowladnimada ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan dadka Soomaaliyeed, loona fududeeyo adeegyada uga xiran dekedda.

“Wax kasto oo shaqo ah, sidii loo qaban jiray waa in si ka duwan loo sameeyo, si aan u helno wax ka wanaagsan waxa aan haysano.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tilmaamay muhiimadda ay ilaha wax soosaarku u leeyihiin dowladnimada ayaa kula dardaarmay Madaxda & Shaqaalaha Dekedda Muqdisho in ay dardargeliyaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan, si loo kobciyo dakhliga wax soosaar ee dalka.

Wasiirka Dekadaha & Gaadiidka Badda, Cabdullaahi Axmed Jamac, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda, Sadaam Maxamuud iyo Maareeyaha Dekedda, Axmed Maxamed Maxamuud (Washington) ayaa Madaxweynaha siiyay warbixin ku saabsan, sida ay u socdaan howlaha shaqo ee dekedda iyo qorshaha hortebinta u leh, ee ay doonayaan in ay ku horumariyaan howlaha dekaddaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com