Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha ka guddoomay Safiirka cusub ee Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka cusub Dowladda Qatar ee dalka, Danjire Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi.

Danjiraha ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyay salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qaranimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, taas oo uu ka siday Amiirka dalkiisa Tamim bin Hamad Al Thani.

Sidoo kale Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Safiirka cusub, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyay in uu ku guuleysto metelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab.

Amiir Tamim bin Hamad Al Thani ayaa bartamihii bishii hore ee October waxa uu Dr. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi u magacaabay inuu noqdo Safiirka xigga ee Qatar u fadhin doona Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com