Maxkamadda Militariga oo xabsi daa’in ku xukuntay Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun xabsi daa’in ku xukuntay Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow), kaasoo lagu helay inuu maleeshiyada Al Shabaab u qaabilsanaa dhanka qaraxyada.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa ninkan 13-kii bishii June ka soo qabtay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

“Eeney Ureyn waxa uu maleeshiyada Al Shabaab ku biiray isaga oo yar, waxa uuna kaga biiray Deeganka Ceel-Bashiir ee hoostagta Degmada Buurhakaba, waxaana ku qanciyay ka mid ahaanshihiisa Horjoogihiisii. Horjoogihiisa ayaa u soo dhiibi jiray miino diyaarsan ka dibna waxa uu gayn jiray Degmada Buurhakaba, isaga oo isticmaalaya mooto Feekon, ka dibna waxa uu dhigi jiray meeshii uu markaas u arko in ay dadka isugu yimaadaan.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maxkamadda Ciidamada.

Warka oo maanta la shaaciyay ayaa lagu yiri “Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay, sidii uu u soo dhameystiri lahaa habraaca muhiimka u ah horgaynta Maxkamadeed Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) 12-kii bishaan, waxa ay Maxkamadda la wadaageen qiraalka eedeysanaha. Abuukataha u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in ay Maxkamadda u fiiriso sifaha dembi fududeya, maadaama uu eedesanaha qiraal yahay.

Maxkamadda ayaa fadhiyo kala duwan ku xukuntay Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) xabsi Daa’in 21-kii bishaan, sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Cali Axmed Cali oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.”

Ooyow ayaa haysta fursad uu muddo bil ah ku dalban karo rafcaan, haddii aanu ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com