Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed oo lagu dilay Gobolka Shabellaha Dhexe

Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Hirshabelle ayaa lagu dilay duleedka Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Nabadoonka oo ka mid ahaa odayaal iyo waxgarad u istaagay xalinta dagaal beeleed toddobaadkii hore dib uga soo cusboonaaday deegaano hoostagga Degmada Cadale ayaa waxaa maanta si lama filaan ahayd loogu dilay deegaanka Cadow-uul.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid marxuumka.

Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku baaqay in gacan ku dhiiglaha loo gacangeliyo hay’adaha garsoorka dalka, si loo helo buu yiri xukun cadaaladeed.

Dagaal beeleedyada ka soo cusboonaday gobolka ayaa imaanaya, xilli deegaanada Hirshabelle ay ka socdaan guluf ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com