Raysal Wasaare Barre oo la kulmay Agaasimeyaasha Warbaahinta

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa la kulmay Agaasimeyaasha Warbaahinta Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay, tan caalamiga iyo midda dowladda oo uu kala hadlay doorka warfaafintu ay ku leedahay dib-u-dhiska dalka, dib-u-heshiisiinta iyo ka wacyigelinta bulshada dhibaatooyinka fekerka xagjirka.

Raysal Wasaaraha ayaa la wadaagay bahda warbaahinta warbixin ku saabsan, wixii Xukuumadda DanQaran u qabsoomay 100-kii maalmood ee la soo dhaafay, qorshaha dib-u-xoreynta dalka iyo hawlgalada wadajirka ah ee shacabka iyo ciidamada Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaanada ay kooxaha argagixisada maamulaan.

Raysal Wasaare Barre ayaa sheegay in xukuumaddu qirsan tahay ahmiyadda ay leedahay warbaahin xor iyo xilkas ah oo dadkana ugu adeegta si masuuliyad ku jirto, isaga oo ku ammaanay dadaalka iyo xaaladaha khalafsan ee ay ku soo shaqeeyeen, isla-markaana ku dhiirigeliyay in maanta oo dalku halgan adag ku jirana loo baahan yahay in warbaahintu ay qaybteeda ka qaadato badbaadinta jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Raysal Wasaare Kuxigeenka, Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Warfaafinta, Daauud Aweys Jaamac, Xildhibaan Maxamed Ibrahim Macalimow iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com