Askari qof shacab ah ku dilay toorey oo dil toogasho lagu xukumay

Dable Boolis. 513 Maxamed Cabdulqaadir Sheekh Ibraahim oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed, gaar ahaan Degmada Afgooye ayaa lagu soo eedeeyay dembiga dil kas ah, oo u adeegsaday mindi (toorey), una gaysatay Marxuum Cabdifitaax Cabdullaahi Cali, taarikhda markay ahayd 25-kii April ee sanadkan, falkaas oo ka dhacay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Sababta dilka keentay ayaa ahayd In eedeesanaha iyo marxuumka ay ku murmeen janta siigarm bishii Ramadan.

Taliska Qaybta Dembi Baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (CID) ayaa ku wareejiyay eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada. Baaris dheer ka dib waxa ay isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada ogolaadeen in Xabsiga Dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 22-kii September ee sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa la wadaagay Maxkamadda, maragyadii goobjoogga u ahaa dhacdadan, warqadda caddeynta dhimashada marxuumka iyo mindidii uu dilka ku gaystay.

08-dii bishan ayaa Xafiiska laga ogolaaday mar kale fadhiga Maxakamad qaadista Dable Maxamed Cabdulqaadir Sheekh Ibraahim.

Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in laga qaado magta marxuumka, maadaama uu qiraal yahay.

Fadhiyo kala duwan oo Maxkamadda Ciidamada ka yeelatay kiiskaasi ayaa 21-kii bishaan ku xukuntay Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim dil toogasho, oo ah qisaasta marxuum Cabdifitaax Cabdullaahi, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo rafcaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com