Maamulka cusub ee Golaha Deegaanka Dhuusamareeb oo la calaamo saaray (SAWIRRO)

Waxaa xalay Magaalada Dhuusamareeb lagu caleemo-saaray Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow) iyo Kuxigeenkiisa Cabdisamad Salaad Aadan.

Munaasabadda caleemo-saarka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, Wasiiro, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Macalin Fiqi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in tallaabadani ka dhigan tahay jiheynta dariiqii horumarka iyo weliba helidda adeegyada bulshada.

“Caawa waa habeenkii Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug yeelashada Gole Deegaan, waxaa ay ka dhigan tahay in ay u jiheysatay dariiqii horumarka iyo helista adeegyo bulsho oo ka jawaaba baahiyada bulshada.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Helista Gole Deegaan waxaa ay la macno tahay u dhoweynta talada iyo adeegyada, in dadku deegaanadu ay helaan noocaan ka madaxbannaani maamul iyo mid maaliyadeed, sidoo kale suurtagelinta horumar waara iyo adeegga maamul, iyada oo lala kaashanayo hay’adaha kale ee dowladda.

Si kooban marka loo yiraahdo Goleyaasha Deegaanku nooc kasta oo ay yihiinba, waxaa ay maamulka u qaabilsan yihiin habsami u socodsiinta dhammaan howlaha la xiriira hortabinnada degmada (Dhinacyada dhaqaalaha, bulshada, thaqaafada iyo dhismaha) hannaan la jaanqadaya horumarka waara ee dheelitaran, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta, sanaacada, beeraha, dhaqaalaha ganacsiga, tarbiyadda, thaqaafada, dalxiiska, waddooyinka, waraabka, biyaha la cabo, faya-dhowrka, korontada, biyo-mareenada, caafimaadka dadka & xoolaha, arrimaha bulsada iyo shaqada, maaraynta masiibooyinka, suuqyada iyo cayaaraha, dhammaan howlahaasina waxaa asaas u ah uruuriinta iyo bixinta canshuurta.”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo gacan ka helaysa Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa Degmooyinka Dowlad Goboleedyada ka hirgelinaysa Goleyaal Deegaan.

6-dii bishan ayay ahayd, markii Wasiir Fiqi uu Degmada Xudur ee Gobolka Bakool kaga qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka ee Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Xudur, Cumar Cabdullaahi Maxamuud.

Waa markii ugu horreysay oo Dhuusamareeb yeelato Gole Deegaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com