Madaxweynaha oo xarigga ka jaray TV tebiya gulufka ka dhanka ah Al Shabaab

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray telefishin loogu magac-daray (SNTV Daljir), kaasoo si gaar ahi u soo tebin doona arrimaha ciidamada, hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo weliba ajandeyaasha kale ee heer qaran, ee ay tahay in lagu wiiqo maleeshiyadaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay saddex arrimood u aasaaseen Daljirtv, kuwaa oo dhammaantood salka ku haya dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo sidii dalka oo dhan looga sifeyn lahaa.

“Fekerka iyo talada ra’yiga Daljirtv waxay ku saleysan tahay qayb ka mida dagaalka nimankan Khawaarijta ah ee dalkeena iyo dadkeena ay maanta u wada taagan yihiin, doorkii Warfaafintu ay laheyd waaye.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri “Hadafyada ugu muhiimsan, dabcan waa inuu dadka gaarsiiyo xogta ama wararka dhabta ah ee ka jira dalka, arrimaha dagaalkana ku saabsan iyo dadka fekerka saxda ah caqiidada xagga diinta, tan saxda ah, waddaniyadda saxda ah iyo xaqiiqada dhulka ka jirta ee saxda ah, dadka inay macluumaad sax ah helaan. Diinta sida ay nimanku noogu fasireen inaanay ahayn, oo sida saxda ah oo loo fasirayo dadka la gaarsiiyo. Dhulka iyo xaqiiqada ka jirta sida ay u sheegayaan inaanay ahayn, dulmiga iyo dhibaatada dadka ay ku hayaan in ummadda Soomaaliyeed la gaarsiiyo farriinteeda.”

Waxa uu intaasi ku daray “Midda 3aad oo ah dalkan inaan annaga leenahay, bugcaddaan yarta ah ee Geeska Afrika ku taalo oo Somaliya la yiraahdaa adduunyada ku leenahay. Ummad walba dhulkeeda ayay ku faantaa ay ku nooshaay, karaamo iyo sharafna intaan ku leenahay. Mar alaale iyo markaad inta ka baxdid ajnabiyaa tahay, dal kastoo qurxan iyo meel kastoo tagtid, dalkaas quruxda badan dad ayaa dhistay oo iska leh, annaga kan ayaan leenahay, waan dhisan karnaa, waana hagaajin karnaa, laakiin inaan fahamnaa caqabadaha naga hortaagan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan ku celceliyay in dowladdiisu ay dalka ka ciribtiri doono kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com