Hawlgalo amni xaqiijin oo ka socda duleedyada Qaayib (SAWIRRO)

Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa galabta hawlgalo amni xaqiijin ah ka wada duleedyada deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, ka dib weerarkii ay maleeshiyada Al Shabaab saakay ku qaadeen deegaankaasi.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday xeryaha ciidamada ku leeyihiin deegaankaasi, oo laga saaray 25-kii bishii October.

Ciidamada isbahaysanaya ayaa si weyn isaga caabiyay weerarkii maleeshiyadaasi, iyagoona gurmad ka helay dhanka Degmada Baxdo.

Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) ayaa kormeeray ciidamada hawlgalada amniga xaqiijinta ka wada duleedyada deegaankaasi.

Illaa kow iyo toban qof oo isugu jira ciidamada huwanta iyo dad rayid ah ayaa dagaalka ku dhintay, iyadoo labaatan kalena ay ku dhaawacantay, halka aan la ogayn khasaaraha gaaray maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Dhaawacyada ayaa la gaarsiiyay Degmada Baxdo, halkaasoo xaaladooda lagula tacaalayo, waxaana kuwooda dhaawacyada culus qaba lagu wadaa in la geeyo Caasimadda Muqdisho.

Shabaabka ayaa 7-dii bishan sidaan oo kale weerar ay ku hungoobeen ku qaaday deegaankaasi, oo saldhig weyn ay ku lahaayeen, muddo dheerna ay ka arriminayeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com