Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Duubabka Dhaqanka ee Gobolka Shabellaha Dhexe (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa galabta Duubabka Dhaqanka, Waxgaradka iyo Nabadoonada Gobolka Shabellaha Dhexe kula kulmay Degmada Cadale ee gobolkaasi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray, sidii loo dhameystiri lahaa arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta laba beelood oo walaalo ah, oo toddobaadyadanba ay xiisadoodu ka taagneyd deegaano hoostagga degmadaasi.

“Kulankan ayaa looga hadlay dhameystirka arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta beelo walaalo ah, oo colaadi ku dhexmartay deegaano hoosyimaada Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo la isla qaatay in xal guud laga gaaro colaadahaan soo noqnoqday ee ka jira deegaanadaan.” Ayaa lagu yiri war caawa ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle.

Warka ayaa lagu sheegay “Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay dhibaatooyinka ka jira deegaanka, oo ay ugu horreyso isbaarooyinka sida sharci darrada ah ugu soo batay deegaanadaan.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka ka jira deegaankan ay yihiin colaad beeleedyo iyo isbaarooyin fara-badan oo deegaanadan yaala, taas oo hoos u dhigtay horumarkii laga filayay inay gaaraan degmooyinka iyo deegaanada Hirshabelle.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaanan la aqbali karin isbaarooyinka dhooban Gobolka Shabellaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa ku goodiyay in ciqaab adag uu mudan doono qof kasta oo lagu helo jidgooyooyinkan sharci darrada ah, isagoona xusay in isbaarooyinkan la baabi’in doono, ayna salka la geli doonaan dad waaweyn oo saraakiil ama qabaa’ilo ah.

Warka ayaa lagu yiri “Ugu dambayn Xildhibaanada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Duubabka iyo Madax Dhaqmeedyada Dhaqanka ayaa saxiixay in aan la soo daba kici doonin qofkii lagu qabto, iyadoo ay isbaaro u taalo ama dadka shacabka ee waddada ku socdaala dhibaateynaya.”

Goobta lagu saxiixay qaraarkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyeyaasha Maxkamadda Sare iyo Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, General Liibaan Cali Yarow iyo Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com