Wasiir Alcadaala “Khawaarijta khasaaro weyn ayaa loogu gaystay Qaayib

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa ka hadlay weerarkii ay saakay maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, isagoo dhanka kalena sheegay in dagaalkaasi Shabaab looga dilay in ka badan labaatan nin.

Wasiir Kuxigeenka ayaa ciidamada halkaasi ka hawlgala ku ammaanay, kuwo si weyn isaga caabiyay weerarkaasi, isla-markaana jebiyay maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

“Deegaanka Qaayib, Khawaarijta ayaa saakay abaare xilligi Salaadda Subax la tuknayay ku soo qaaday weerar isugu jira qaraxyo iyo dagaal toos ah, illaa saddex baabuur oo qaraxyo ah iyo maleeshiyaad hubeysan oo Khawaarijta ka tirsan. Ilaahay mahadiis halkaas Ciidamada Qaranka, dadka deegaanka iyo Ciidanka Galmudug ee ka hawlgelayay waxay ku guuleysteen inay fashiliyaan weerarkaasi, Khawaarijtana ay halkaasi ku jebiyaan.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta.

Waxa uu sheegay in dagaalka lagu dilay dhowr iyo labaatan ka mida maleeshiyada Al Shabaab, tiro soddon ka badana looga dhaawacay.

“Iyaga xagooda intaan ognahay khasaaro weyn ayaa soo gaaray, dhowr iyo labaatan dhimasho ah iyo soddon wax ka badanoo dhaawac ah, inta aan hubno, in badan oo ka mid ahna waa qaateen.” Ayuu yiri Alcadaala.

Alcadaala oo BBC la hadlay ayaa khasaaraha dhanka ciidamada soo gaaray ku sheegay “Annaga xageena dadka halkaa ka dagaalamayay dad mujaahidiin oo xaq u dirir ah ayay ahaayeen, saddex ka mida oo isugu jira dadka deegaanka iyo ciidamadii halkaa joogay ayaa ku shahiiday, shana waa ku dhaawacantay.”

Hase yeeshee ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen kow iyo toban qof, oo isugu jira ciidamada huwanta iyo weliba dad shacab ah, halka labaatan kalena ay ku dhaawacantay, kuwaa oo dhaawacyadooda la geeyay Degmada Baxdo.

Shabaabka waxay dhankoodu sheegteen in ay dagaalka ku dileen 43 askari, 51 kalena ay ku dhaawaceen, halka 5 baabuurna ay ku qabsadeen, warkaas oo aan wax xaqiijin ah loo hayn. Sidii looga bartayba Shabaabku ma sheegin khasaaraha dhankooda ka soo gaaray dagaalkaasi.

Wasiir Alcadaala oo ka jawaabayay sheegashada Shabaabka ayaa yiri “Wax ka jiraahi ma jiraan, waa iska been abuur iyo dacaayad, hadday 40 dileen, 5 baabuurna qabsadeen waxay ahayd inay meesha jooggaan, oo ay meesha ku haystaan oo dadka ay tusaan.”

Alcadaala ayaa yiri “Dad cararaya oo hawdka ku jira, warkooda wax macna ah iyo wax ka soo qaad midna malahan.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com