100 Shabaab oo lagu dilay xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan

Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka, xoogaga deegaanka, Hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ayaa saqdii dhexe ee xalay laga fuliyay deegaanka Ceeldheere Buraale, oo dhaca xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay in muddooyinkii ugu dambeysay ay maleeshiyaad fara-badan geeyeen deegaankaasi, kuwaa oo argagixisadu u diyaarisay inay weeraraan deegaanadii dhawaan laga saaray.

Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala), Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya ayaa sheegay hawlgalkan oo mid qorsheysan ahaa in lagu dilay 100 ka mida maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiir Kuxigeenka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hawlgalka lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen buu yiri in ka badan 200 oo ka tirsan maleeshiyada Khawaarijta Al Shabaab.

“Hawlgalkaas oo ahaa mid aad loo qorsheeyay, isla-markaana xogtiisa ay ahayd mid isku duba-ridan ayaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen in ka badan 200 oo ka tirsan maleeshiyada Khawaarijta Al Shabaab, oo ay ku jiraan 12 horjooge.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenku.

Waxa kaloo uu yiri “Goobtaas oo ay ugu diyaargaroobayeen in ay dagaalo rogaalcelis ah ku qaadaan deegaano ku yaala xadka Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe, oo maalmo ka hor laga saaray. Hawlgalkaas qorsheysan waxaa uu u dhacay sidii loogu talagalay, waxaana lagu dilay inta illaa hadda aan xaqiijinay in ka badan 100 ka tirsan Khawaarijta Al Shabaab ee halkaasi isku uruursanayay. Khawaarijta la laayay waxaa ku jira illaa 10 ka tirsan horjoogeyaashii hoggaaminayay kooxda Khawaarijta ah ee halkaasi isku uruursaneysay.”

Wasiir Alcadaala ayaa tilmaamay in hawlgalku uu ku soo dhammaaday in ciidamada huwanta ay si buuxdo ula wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi.

“Hawlgalkaas waxa uu ku soo dhammaaday in Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka ay si buuxda ula wareegaan deegaanka Ceeldheere, oo ahaa runtii marin aad iyo aad istiraatiiji ugu ahaa Khawaarijta ay ka abaabulayeen weeraro, ayna doonayeen inay halkaa ku dhuumaaleystaan.” Ayuu yiri Alcadaala.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com