Saraakiisha ku sugan Qaayib oo eedeymo u jeediyay Dowladda Federaalka

Maamulka Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud iyo Saraakiisha deegaanka ayaa Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dowladda Federaalkaba ku eedeeyay inay ka gaabiyaan taageeradooda kaga aaddan doorka dadka reer Baxdo, gaar ahaan kuwa Qaayib ee dagaalka haatan kula jira maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiyaha Degmada Baxdo, Maxamed Cabdullaahi Muuse ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in dowladdiisu ay taageero dhameystiran siiso dadka deegaanka ee doonaya inay iska dulqaadaan maleeshiyadaasi.

Gudoomiyaha oo gelinkii dambe ee maanta Warbaahinta kula hadlay deegaanka Qaayib ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay jooggaan deegaankaasi, haddana taageerada Taliska Xoogga Dalka aanay gaarsiisanayn halkii loo baahnaa.

“Waxaan rabaa inaan halkan baaq uga diro Dowladda Somaliya, oo uu ugu sarreyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, deegaanka Qaayib waa markii 2aad oo Khawaarijtu ay weerar ku soo qaaddo. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed way ku sugan yihiin, laakiin gurmadkii iyo garabkii looga baahnaa waxaad mooddaa weli in wax ka dhiman yihiin.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaanu leenahay dowladdu dadka dagaalamaya inay garab siiso, dhiirigeliso, ayna taageero siiso ayay tahay ee in gadaal laga fiirsado ma ahan.”

Saraakiil iyo Xildhibaano ka barbar hadlayay Gudoomiyaha ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay hagratay ciidamada u diyaarsan la dagaalanka Shabaab, ayna tahay inaanan lagu fiirsan dagaalkan.

Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadka deegaanku ay diyaar u yihiin inay iska dulqaadaan Shabaab, dowladduna ay horey ugu ballanqaaday taageero dhameystiran, taa oo sida uu muujiyay looga fadhiyo.

“Dadka Soomaaliyeed ee deegaanka degan iyo kuwa deegaankoodii la haysto ee reer Xiindheere, waxay diyaar u yihiin inay cadowgan si wadajir ah isaga qabtaan, dowladdana waxay ka ballanqaaday taageero dhameystiran in ay siinayso. Annagu hadda ka qayb ahaan wixii karaankayaga ah waan la daba joognaa.” Ayuu yiri Korneyl Xasan Jaamici.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa Jimcihii weerarkii 2aad ka gaystay deegaankaasi, muddo dhowr toddobaad gudahood, ka dib markii laga saaray 25-kii bishii October.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com