Faah faahin: Weerarka dableyda Al Shabaab ka tirsan ku gashay Hotel Villa Rossa

Weerarka ayaa ku bilowday qarax si weyn looga maqlay qaybo ka mida xaafadaha Magaalada Muqdisho, kaas oo caawa ka dhacay afaafka hore ee Hotel Villa Rossa, oo Madaxtooyada Qaranka ka xigga dhanka Degmada Boondheere.

Wararka ayaa sheegaya in dabley lugeynaysa ay gudaha u gashay hotelkaasi, kuwaa oo haatan ka dhex dagaalamaya dhismaha hotelka.

Rasaas xoog leh ayaa laga maqlaya goobta uu hotelku ku yaalo, iyadoo ciidamada amniga ay dagaal kula jiraan dableydii weerarka soo qaaday, sidoo kalena ay dadaal ugu jiraan, sidii ay u soo samata bixin lahaayeen dadka hotelkaasi ku go’doonsan.

Ciidamada ayaa bilowgiiba goobtaasi ka soo saaray masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), kaas oo weerarka ku dhaawacmay, mana cadda khasaaraha ka dhashay weerarka.

Ciidamo isugu jira Booliska Gobolka Banaadir iyo kuwa Hay’adda NISA ayaa buuxdhaafiyay wadooyinka soo gala hotelkaasi, oo markii horeba loo xiray amniga Aqalka Villa Somalia.

Hotelkan iyo dhismooyinka kale ee ku dhow dhow waxaa degan Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo Saraakiil ciidan, waana mid ka mida goobaha ugu ilaalada adag ee Caasimadda Muqdisho.

Idaacadda afka Shabaabka ku hadasha ee Andalus oo soo xiganaysa Afhayeenka Hawlgalada Al Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegtay in maleeshiyadooda ay ka dagaalamayaan darbiga Madaxtooyada Qaranka.

19-kii bishii August ayay ahayd, markii dabley ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ay weerar sidaan oo kale ah ku qaadeen Hotel Xayaat ee Magaalada Muqdisho.

Waa weerarkii 3aad oo Shabaabku ka gaystaan magaalada, muddada uu xafiiska jooggo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli shacabka Soomaaliyeed ay weli xusuusan yihiin dadkii faraha badnaa ee ku dhintay qaraxyadii Zoobe 2, ay Shabaabku 29-kii bishii hore ee October ka gaysteen Xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com