Wasiir Jaamac iyo General Odawaa oo Axmed Madoobe kala hadlay dagaalka Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu qayb ka yahay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii gaaray Magaalada Kismaayo.

Wafdigan ayaa Magaalada Kismaayo u tegay, sidii deegaanada Jubbaland looga bilaabi lahaa hawlgalada dalka looga saarayo maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigu ay Madaxweynaha Jubbaland kala hadleen, sidii hawlgalo wadajir ah looga bilaabo Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo, iyadoo markaasi culeyska lagu kordhinayo maleeshiyada Al Shabaab oo haatan uu guluf kaga furan yahay Gobolada Dhexe.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wasiir Jaamac uu Madaxweynuhu u sheegay inaanay Jubbaland ka harin hawlgalada kale ee lagu wado in laga bilaabo deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool, tani oo meesha ka saari karta gurmadka Shabaabka ee gobolada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gadaal ka riixaya hawlgal saf ballaaran oo lagu wiiqayo Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com