Wasiirka Arrimaha Dibadda Emirate-ka oo qaabilay dhiggiisa Somaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Emirate-ka Carabta, Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa Magaalada Abu Dhabi ku qaabilay dhiggiisa Somaliya, Abshir Cumar Huruuse.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kala duwan oo labada dal, si isu mida u daneynayaan, sida ay tebisay SONNA.

Warka SONNA ayaa lagu sheegay “Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta oo soo dhaweeyay booqashada Wasiir Abshir Cumar Huruuse ayaa sidoo kale xaqiijyay, sida ay uga go’antahay xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo sii hagaajintiisa, si u adeegeysa xaqiijinta danaha labada dal, isla-markaana taageereysa xasilloonida iyo nabadda Somaliya.

Dhankiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Abshir Cumar ayaa xaqiijyay in Somaliya ku dadaaleyso xoojinta xiriirka walaalnimo iyo wax wada qabsi ee kala dhaxeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ammaanay kaalinta Imaaraadka ee heer gobol iyo caalamba.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com