Ciidamada oo saacado badan ka dib soo afjaray weerarkii hotelka

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in la soo geba-gabeeyay hawlgal ay ciidamada amniga ka wadeen Hotel Villa Rays, oo tan iyo xalay ay ku jireen dabley ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Booliska, Sadiiq Aadan Cali (Doodish) ayaa sheegay in kooxda soo weerartay hotelka ay ahaayeen lix nin, kuwaa oo dhammaantood hadda dhintay. Waxa uu intaas ku daray in ciidamada amniga ay dileen shan nin, halka mid kalena uu is qarxiyay.

Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha weerarka uu yahay dhimashada sideed qof oo shacab ah iyo hal askari.

Doodisho wuxuu sidoo kale sheegay in la soo badbaadiyey 60 qof oo shacab ah oo ku sugnaa hotelkaas.

Ciidanka ayaa soo afjaray weerarkan, ka dib in ku dhow 22 saac oo mintidiinta Shabaabka ay ka dhex dagaalamayeen.

Hotelkan ayaa waxaa horey loo oran jiray Hotel Villa Rossa, balse markii dambe loogu magac-daray Villa Rays Hotel.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com