Askarigii dilka ka gaystay Degmada Balcad oo gacanta lagu soo dhigay

Ciidamada amniga ee Hirshabelle ayaa gacanta ku soo dhigay nin askari ah, oo saakay Degmada Balcad ku dilay nin darawal ahaa.

Dilka ayaa ka dhacay bar kontorool oo lagu hubiyo gawaarida ka timaada dhanka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellha Dhexe.

War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa lagu sheegay in dembiilaha lagu wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Hay’adda Dembi Baarista ee CID.

“Waxaa mahad oo dhan u sugnaatay Alle subxaanahuu watacaalaa oo inoo suurageliyay inaa gacanta ku soo dhigno gacan kudhiiglihii dilka gaystay, waxaana ku wareejinay Maxkamadda Ciidamada iyo Hay’adda Dembi Baarista ee CID.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Darawalka oo wade ka ahaa gaari caasi ah ayaa lagu magacaabi jiray Seylax Cabdulle Gaadaay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com