Gudoomiye Jeyte oo iftiimiyay, sida Shabaab looga adkaan karo

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa weerar afka ah ku qaaday Hoggaanka Ururka Al Shabaab, kuwaa oo uu ku eedeeyay inay dhibaateyn xoog lihi ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo markaasi adeegsanaya dhallinyaro la marin habaabiyay, isagoo dhanka kalena ka hadlay sida kooxaha argagixisada looga adkaan karo.

“Shabaab wuxuu u diiday shacabka in hay’adihii u yimaadaan, oo haddii haraad hayo biyo la siiyo, wuxuu u diiday in wax horumar ah deegaanka laga sameeyo, wuxuu u diiday in caafimaad laga fuliyo ama iskuul laga dhiso.” Ayuu yiri Gudoomuyuhu oo fagaare kula hadlay shacabka ku dhaqanka deegaanka Moora-eri ee gobolkaasi.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Nin qorigiisa wataa kuu imaanaya, gabadhaadii ayuu rabaa inuu si sharci darro ah kaxeysto, wiilkaagii ayuu rabaa inuu si sharci darro ah ku yiraahdo isku qarxi ama qof ku dil, wuxuu cuni lahaana aduu kaa rabaa, wax uu la yimid maleh, asaga oo keligiis ayuu yimid.”

Gudoomiyaha ayaa su’aal ka keenay, haddii horjoogeyaaha Shabaab ay ka run ka tahay inay diin u dagaalamayaan, waxa aanay safka hore uga noqon dagaalka, ubadkooduna aanay isu qarxin.

“Hadday run sheegayaan Cali Dheere iyo kuwa kale ee la midka ah ilmo ay dhalleen oo is qarxiyay, yaa maqlay? Ma jiro, ma jiro. War hadday run sheegayaan annaga nafteenana jiidda dagaalka ayaa keenay, carruurteeniina ayagoo askar ah ayay nala socdaan oo dagaalku ku jiraan.” Ayuu yiri Gudoomiye Jeyte.

Gudoomiye Jeyte ayaa intaasi ku daray ‘Naftooda dagaalka sooma galaan ee ciyaalkee yiraahdaan gala, mana is qarxiyaan carruurtoodu, Nairobi iyo wadamo kale ayay carruurahooda wax ka baranayaan.”

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaanay ku kadsoomin waxa ay Shabaabku wadaan, oo aan ahayn sida uu sheegay dhaqaale raadin iyo inay dadka khaldaan.

“Waa been dhaqaale ayay u jooggaan meesha, qiyaanee u jooggaan, sidaasi in loo fahmaa la rabaa.” Ayuu yiri Jeyte.

Jeyte ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Mar haddii ay sidaa tahay, see looga samata kori karaa? Waa inuusan adinka dhexdiina ku dhuuman oo aad ka midowdaan, Muslimka deriska idin la ahna inaad la midowdaan, waa sida Shabaab ku bixi karo oo run ah.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com