R/wasaare Barre oo soo xiray Shirweynaha Caalamiga ee Maalgashiga Somaliya

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa soo xiray Shirweynaha Caalamiga ee Maalgashiga Somaliya, oo shalay iyo maanta ka socday Magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dalka uu leeyahay.

Raysal Wasaaraha ayaa khudbaddiisa xiritaanka shirka ku sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay sameynta dib-u-habeyn sharciyada dhaqaalaha iyo amniga oo fududeynaya in Soomaaliya gudaheeda ganacsi laga sameyn karo, lana abuuri karo jawi maal-gashi oo soo jiita maal-gashadayaasha.

Waxa uu sheegay in horey loo meelmariyay sharciga maalgashiga shisheeye, oo damaanad qaadaya tartan ganacsiyadeed oo caddaalad ku saleysan.

Raysal Wasaare Barre ayaa intaa raaciyay in la dhisay guddiga sare ee maalgelinta shisheeye, oo ah guddiga ugu sarreya ee sameeya siyaasadaha maalgashiga dalka, sidoo kalena uu dalku leeyahay xafiiska dhiirigelinta maalgashiga shisheeye oo hoostagga Wasaaradda Qorsheynta, kaas oo loo sameeyay inuu dhiirigeliyo, soo jiito, isku dubarido, uuna taageero buuxda siiyo maalgelinta shisheeye ee tooska ah.

Shirka maalgashiga shisheeye ee Somaliya oo ahaa kii ugu horreyay oo noociisa ahm ayna soo agaasintay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha ayaa muddadii uu socday waxaa la isku weydaarsaday fekrado maalgashi oo muhiim u ah, kuwaa oo haddii la dhaqangeliyo, lagana faa’iideysto qayb weyn ka qaadan kara gaaritaanka horumarka ay Somaliya hiigsaneyso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniintii furay Shirweynaha Caalamiga ee Malgashiga dalka, oo ay ka soo qeybgaleen hay’adaha ka shaqeeya mashaariicda, ganacsatada, maalgashadayaal caalami ah iyo marti sharaf kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com