Wasiirada Arrimaha Dibadda ee NATO oo shir uga furmay Bucharest

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Gaashaanbuurta NATO ayuu maanta shir uga furmay Magaalada Bucharest ee dalka Romania, kaasoo looga hadlayo duulaanka Ruushka ee Ukraine iyo sidii NATO u kordhin laheyd taageeradeeda dalkaasi ee xilligan qaboobaha.

Shirka oo laba maalmood socon doono ayay Wasiirada kaga doodayaan taageerada Ukraine, bacdamaa ay Moscow sii waddo bartilmaameedka kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalkaasi, gaar ahaan ilaha tamarta, oo xilligan ay dadka reer Ukraine ugu baahida badan yihiin adeegga korontada.

Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO, Jens Stoltenberg oo shirkaasi furay ayaa sheegay in qof kasta uu maanta wajahayo dhibaatada uu abuuray sida uu sheegay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Xoghayaha ayaa sheegay in xulafada NATO ay Kyiv ka taageeri doonaan, sidii ay isaga difaaci laheyd weerarka ay Moscow ku hayso.

Inkastoo sida uu sheegay aanay NATO qayb ka ahayn dagaalkan ayuu haddana sheegay inaanan la aqbali karin in Madaxweyne Putin uu ku guuleysto dagaalka, haddii kalena cawaaqibka ka dhasha ay hadhow saamayn weyn ku yeelan doonto isbahaysiga NATO.

“Dhammaanteen waxaa na wada taabtay khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay duulaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine. Khasaaraha innaga ina soo gaaray waa mid dhaqaale oo dhanka lacagta ah, balse khasaaraha dadka reer Ukraine gaaray uu yahay mid dhiig daadanayo.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NATO.

Xoghayaha ayaa yiri “Haddii aanu ogolaano in Putin guuleysto, dhammaanteen khasaaraha ina gaaraya sanadaha soo socda waa uu ka badan doonnaa, inta hadda ina gaartay, maxaa yeelay waxaa looga bartay Madaxweyne Putin iyo hoggaamiyeyaasha kale ee keli-taliska ah in ay xoog u adeegsadaan ujeedooyinka ay leeyihiin inay gaaraan, marka ay ujeedooyinkaasi gaaraana qab hor leh ayaa sii gala, oo mar kasta waxay doonaan in ay adeegsadaan xoog intii hore ka badan.”

Sidaasi daraadeed ayuu Stoltenberg sheegay in NATO ay garab buuxa u noqon doonto Ukraine, muddada ay doontaba haku qaadatee, waxaana uu dalalka xubnaha ku bogaadiyay inay kordhiyaan taageeradooda militari ee Kyiv.

Xurgufta Ruushka iyo Reer Galbeedka ayaa sii xoogeysatay, ka dib duulaankii Ruushka uu 24-kii bishii February ku qaaday dalkaasi Ukraine.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com