Xildhibaanada Baarlamaanka oo looga digay Xeerka Jinsiga (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta sheegay inaanan golaha la horkeeni karin xeer liddi ku ah Diinta Islaamka.

“Dastuurka waad ogtihiin qodobkiisa 2aad wuxuu qorayaa Islaamku waa tiirka dowladda, diin aan ahayn midda Islaamka laguma faafin karo dalka Somaliya. Qodobka 2aad-na wuxuu leeyahay Dastuurka Somaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada Nabigeena suuban (NNKh), wuxuuna ilaalinaya dastuurka maqaasidda & ujeedooyinka Diinteena Islaamka iyo cadaaladda bulshadeena.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

“Xeer hoosaadkeena qodobkiisa 75aad, sidaad ogtihiin asigana wuxuu qabaa wax aan waafaqsanayn Shareecada Islaamka, dastuurka dalka, xeer hoosaadka Golaha Shacabka iyo shuruucda kale ee dalka lama horkeeni karo Baarlamaanka.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Guddoonka haddii loo keenana waa burinayaa, Gudoomiyaha wuxuu xaq u leeyahay ama qofkii markaasi shirka guddoominaya inuu buriyo, haddii intaasi waafaqsanayn.”

Aadan Madoobe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, iyagoo intaasi oo dhan ilaalinaya in lagu eedeeyo in ay hormuud ka yihiin u ololeynta wax ka horimanaya Shareecada Alle.

Aadan Madoobe ayaa hadalkan ka sheegay kulan wadajir ahaa oo maanta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Xildhibaanada qaarkood lagu eedeeyay inay u ololeynayaan, sidii dalka looga dhaqangelin lahaa waxa loogu yeero Xeerka Jinsiga, oo laga soo minguuriyay Wadamada Reer Galbeedka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com