Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dib u dhis lagu sameynayo Madaxtooyada (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay munaasabad ku saabsan dib-u-habeynta Xafiisyada Madaxtooyada ayaa dhagax dhigay dib-u-dhis casri ah oo lagu sameynayo Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qorsheyaasha ugu muhiimsan dowladdiisa ay ugu horreyaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, dib-u-habeynta xarumaha & hannaanka Hay’adaha Dowladda iyo hirgelinta ku dhaqanka shuruucda dalka, taas oo aasaas u ah dowlad Soomaaliyeed oo ay ku kalsoon yihiin shacabkeedu, gudan kartana waajibaadkeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda, shacabka Turkiga iyo shirkadda Albayrak, sida ay gacanta uga gaysanayaan dib-u-casriyeynta Xafiisyada Madaxtooyada, iyaga oo mar walba garab istaag iyo taageero u muujiya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay dhabar adayga & kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficillada guracan ee argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyay in gacan dalka lagaga ciribtiri doono arxanlaaweyaashaas, gacanta kalena lagu horumarinayo dowladnimada.

Munaasibadda dhagax dhigga Madaxtooyada cusub ee dalka waxaa ka qaybgalay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, Wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa, Safiirka Dowladda Turkiga ee dalka, Danjire Mehmet Yilmaz iyo Madaxa Shirkadda Albayrak.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com