Xukuumadda oo ansixisay Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka & Darajooyinka Shaqaalaha Rayidka

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa maanta kulan ay yeeshan oo uu shir guddoominayay Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre waxa ay ku ansixiyeen Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka & Darajooyinka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka, oo ay golaha hor keentay Wasaaradda Shaqada & Arrimaha bulshadda.

Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka & Darajooyinka Shaqaalaha Rayidka waxa ay caawinaysaa xaqiijinta ujeedooyinka dawladda ee ku saabsan habka mushahar bixinta iyo astaynta Darajooyinka Shaqaalaha Rayidka ah.

Baahida siyaasaddan hirigelinteeda keentay ayaa ah in laga guuro nidaamkii hore ee darajooyinka shaqaalaha ee ku saleysnaa keliya heerka waxbarasho, loona guuro nidaam cusub oo ku saleysan baahiyada shaqo kasta oo dowladeed, kuwaas oo ay ka mid tahay: aqoon, waayo aragnimo, xirfad iyo karti.

Siyaasadda la meel mariyay ayaa meesha ka saareysa nidaamka hadda jira ee darajada shaqaalaha oo ku saleysan keliya heer waxbarasho, balse aanan loo eegin heerarka kala duwan ee masuuliyadaha shaqooyinka la qabanayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com