Booqashada Madaxweyne Qoorqoor ee Qaayib iyo waxa ay la xiriirto (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Khamiistii gaaray deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa xalay ku hoyday deegaankaasi oo hoostagga Degmada Baxdo, waxaana uu gacanta maamulka soo galay 25-kii bishii October, ka dib markii dagaal looga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Shabaabka ayaa 7-dii iyo 25-kii bishii hore ee November waxay laba weerar oo qaraxyo ku bilowday ku qaadeen deegaankaasi, oo muddo dheer ay ka arriminayeen, isla-markaana ay ku lahaayeen saldhig weyn iyo weliba Xarun Maxkamadeed.

Madaxweynaha Galmudug oo fagaare kula hadlayay ciidamada qaybtood ayaa ku bogaadiyay, sida ay uga hortaggeen weeraradii Shabaabku ku doonayeen inay dib ugula wareegaan deegaankaasi.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa dhanka kale sheegay in la joogteyn doono hawlgalada kooxaha argagixisada looga saarayo deegaanada Galmudug, sida uu yiri.

Dhanka kale Madaxweyne Qoorqoor ayaa Qaayib kulamo kula leh Saraakiisha Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Maamulka Degmada Baxdo iyo dadka deegaanka.

Booqashada Qoorqoor ee Qaayib ayaa la xiriirta, sidii uu uga jawaabi lahaa eedeymaha ay toddobaadkii hore Maamulka Degmada Baxdo iyo Saraakiisha xoogaga deegaanka u jeediyeen Dowladda Federaalka iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka, ee ah in ay ka gaabiyeen taageeradooda ku aaddan gulufka ay tahay in lagu wiiqo Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com