Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Deynuunaay

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii weerar culus ku qaaday deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay, halkaasoo ay xero ciidan ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka.

Maleeshiyadan oo maalmihii ugu dambeysay isku uruursaneysay deegaanada ku dhow dhow Deynuunaay oo 26km u jirta Magaalada Baydhabo ayaa shalay galab dhowr jiho ka weeraray Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku ahaa mid hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, isla-markaana uu soo gaaray fiidnimadii xalay, markaas oo ay Ciidanka Xoogga Dalka isaga baxeen xeradooda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhowr askari ay Ciidamada Dowladda kaga dhimatay dagaalka, halka aan la ogayn khasaaraha gaaray maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Dhanka kale wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka uu abaabulayo weerar ay ciidamadu dib ugu qabsanayaan xeradaasi, oo muhiim u ah amniga Xarunta Gobolka Baay ee Baydhabo.

Shabaabka oo marar badan weeraray xeradaasi ayay u suurtagashay inay si buuxdo ula wareegaan.

Weerar ay toddobaadkii hore sidaan oo kale ugu qaadeen xeradaasi ayay ku hungoobeen inay la wareegaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com