Madaxweyne Xasan Sheekh oo la guddoonsiiyay shahaadada PHD (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qaybgalay munaasabadda qalin-jebinta aqoonyahanada Soomaaliyeed ee sanadka ka baxay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey ayaa Maamulka Jaamacaddu waxay go’aamiyeen in ay Madaxweynaha ugu magac-daraan xarunta ay ku leeyihiin dalka.

Madaxweynaha oo Jaamacaddan ka qaatay sanadka, shahaadada sare ee Cilmiga Nabadda, Maamul wanaagga & Horumarinta ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan aqoonyahanada Soomaaliyeed ee maanta kala qalin-jebiyay heerarka kala duwan ee culuumta ay bixiso Jaamacadda Qaramada Midoobey, waxa uuna tilmaamay doorka laga filanayo in ay ka qaataan halganka ciribtirka jahliga iyo dib-u-dhaca dalka.

“Somaliya waxa ay u baahan tahay dhisidda tiirarka tacliinta sare oo ku saleysan hal-abuur iyo xirfad, horseedaysana nabad iyo dib-u-heshiisiin waarta. Maanta waxaan u fadhinnaa qalin jebinta 18 aqoonyahan Soomaaliyeed oo qaatay PhD iyo 144 kale oo heerka labaad ee Masterka ah, taas oo dhiirigelinaysa mustaqbalka dalkeenna.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in boqol arday la siinayo deeq waxbarasho PhD ah, oo ay Jaamacadda UPEACE fulin doonto saddexda sano ee soo socota, taas oo kor loogu qaadayo heerka tacliinta sare ee Somaliya, iyadoo dowladdu ay arrinkaas la kaashaneyso Jaamacadda Nabadda iyo saaxiibbada kale ee taageera waxbarashada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dhammaan macalimiintii qaybta ka ahaa waxbarashadiisa, gaar ahaan maamulka iyo ardayda Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey, oo uu ka qaatay takhasusuka Cilmiga Nabadda, Maamul wanaagga & Horumarinta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com