DF oo ciidan cusub ka dejisay Magaalada Gaalkacyo (SAWIRRO)

Dowladda Federaalka ayaa maanta cutubyo ciidan gaysay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kuwaa oo lagu wado in ay ka qayb qaataan hawlgalada la fillayo in ciidamadu ka bilaabaan gobolkaasi.

Ciidamadan oo noqonaya kuwoodii ugu horreyay ee gaara gobolkaasi ayaa ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyadoo ayna galabta Garoonka Ushaka ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku biiri doonaan ciidan xoog leh, oo maalmihii ugu dambeysay lagu diyaarinayay Degmada Wisil, iyadoo uu hadafku yahay inay ciidamadaasi qabtaan Degmada Xarardheere. Xarardheere waa degmada keliya ay maleeshiyada Al Shabaab ka jooggaan gobolkaasi, waana halka ay fariisimahooda ugu weyn ku leeyihiin.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Jimcihii Magaalada Baxdo ka sheegay in hawlgalku uu maalmaha soo socdo noqon doono mid dardar ku socda.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa intaasi ku daray in dadka reer Galmudug ay u istaaggeen, sidii waxa uu ugu yeeray Khawaarijta looga suulin lahaa Gobolada Dhexe.

Abaabulka iyo diyaargarowga ciidan ee ka jira gobolkaasi ayaa imaanaya, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ay in muddo ahba hawlgalo ka wadeen Gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com