Dowladda oo kordhinaysa xuquuqda dadka naafada ah (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku dhawaaqay in la kordhinayo qoondada hay’adda naafada Soomaaliyeed.

Raysal Wasaaraha oo ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa sheegay in dowladda ay kordhinayso miisaaniyadda qaranka ee kaga aaddan hay’adda naafada Soomaaliyeed.

Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay dareen gaar ah siineyso, sidii wax loogu qaban lahaa dadka qaba baahiyaha gaarka, loona ilaalin lahaa xaquuqda asaasiga ah ee dhinacyada shaqo siinta iyo kor u qaadidda xirfadahooda.

“Dalkeenna waxa uu kaga duwan yahay dalalka kale ee caalamka tirada dadka ku naafooba qaraxyada iyo weerarrada arxan darrada ah ee Khawaarijta, taas oo aad u kordhisay tirada dadka Soomaaliyeed ee naafada ah, sidaas awgeed waa in ay isbarbar socdaan halganka dalka lagaga xoreynayo cadowgaas iyo wax u qabashada dadkeenna ay naafeeyeen.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Barre.

Dowladda Soomaaliyeed ayaa ka mid ah dowladaha saxiixday axdiga Qaramada Midoobey ee xuquuqda dadka naafada ah, taasoo muujinaysa mudnaanta sare ee la siinayo, si loo ilaaliyo xaqa ay ku leeyihiin dadka iyo dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com