General Ibraahim Yarow oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

General Ibraahim Aadan Yarow, Taliyihii hore ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid General Ibraahim Aadan Yarow.

Madaxweynaha ayaa xusay in marxuumku uu door wanaagsan uu ka soo qaatay dhismaha iyo tayaynta Ciidamada Qalabka Sida, isla-markaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay Talisyada Ciidamada.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Aadan Yarow waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayay muddo dheer. Waxa uu xilal kala duwan oo muhiim ah ka soo qabtay Ciidamada Qalabka Sida, isagoona door muhiim ah ku lahaa dhismaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Dad badan ayaa jananka ku xusuusta doorkiisii dagaalkii kooxaha argagixsiada looga saaray Caasimadda Muqdisho, sanadkii 2011.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com