Wararkii ugu dambeeyay ciidamada oo laba jiho ka kulaalaya Degmada Aadan Yabaal

Ciidan xoog leh oo isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga dib-u-xoreynta deegaanka ee Macawiisleyda ayaa ku sii siqaya Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamadan oo ka kala ruqaansaday deegaanada Ceelbaraf iyo Masaajid Cali Gaduud ayaa horey cagta u sii mariyay fariisimihii maleeshiyada Al Shabaab ku lahaayeen deegaanada Mabaax, Guulane iyo Daarusalaam.

Ciidamada ayuu dagaal culus ku qabsaday deegaanka Mabaax, inkastoo ay markii dambe u suurtagashay inay jiiraan kooxihii argagixisada.

Korneyl Saney Cabdulle Gaab, Taliyaha Guutada 4aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamadu ay hadda kaabiga ku hayaan degmadaasi.

Korneyl Saney oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in Aadan Yabaal ay saacadaha soo socdo soo geli doonto gacanta qaranka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa bidhaamiyay in ciidamadu ay qarka u saaran yihiin degmadii ugu dambeysay ee maleeshiyadaasi kaga sugneyd gobolka.

Dhanka kale wararka ka imaanaya Degmada Aadan Yabaal ayaa sheegaya in Shabaabku ay ka wadaan dhaqdhaqaaq ay ku doonayaan in ay ku difaacdaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliska Ciidamada Mareykanka iyo Turkiga ee fadhigoodu yahay Caasimadda Muqdisho ay aqbaleen in ay dhanka cirka laga garaaco difaacyada Shabaab, haddii ay ku mintidaan gacan ku haynteeda.

Shabaabka ayaa Aadan Yabaal ku leh saldhigooda ugu weyn ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Yarey) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dadka deegaanka ugu yeeray inay la shaqeeyaan ciidamada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com