Maxkamadda Militariga oo dil toogasho ku xukuntay Cabdiraxmaan Caddow Ciise

Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed ayaa lagu xukumay xukun dil ah, oo ah qisaasta marxuum Saylax Cabdulle Axmed (Gaadaay) oo uu dilay shilimaad uusan xaq ugu lahayn 29-kii bishii November.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Nuur (Shuute) ayaa Warbaahinta u sheegay xukunka ay maxkamaddu ku riday ninkaasi.

Xukunsane Cabdiraxmaan waxa uu joogay isbaaro tiilay Degmada Balcad, meesha looga baxo.

Maragyadii saarnaa gaariga shacabka ah waxa ay sheegeen in xukunsanaha uu si ku tala gal ah u dilay marxuumka.

Marxuumka ayaa ahaa darawal si weyn looga yaqaanay tuulooyinka iyo Degmooyinka Gobolka Shabellaha Dhexe, oo uu muddo ku safrayay.

Cabdiraxmaan Caddow Ciise ayaa maalin ka hor ka soo muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com