RW Barre oo qaabilay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Norway

Raysal Wasaaraha Somaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway, Anne Beathe Tvinnereim.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, is bedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasillinta dalka.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway ayaa Raysal Wasaaraha uga mahadcelisay qaabilaadda, iyada oo dhanka kale sheegtay in Dowladda Norway ay ka go’antahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Raysal Wasaare Barre ayaa Dowladda Norway uga mahadceliyay taageerada joogtada ah, ee ay la garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com