Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddoonka Golaha Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyay gulufka ka socda gobolada dalka qaarkood, ee la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab looga saaro goobaha ay kaga sugan yihiin.

Madaxweynaha ayaa xusay in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalku ay udub-dhexaad u yihiin qorshaha dalka lagaga sifeynayo maleeshiyadaasi, maadaama ay wakiil u yihiin shacabka Soomaaliyeed ee la rafaadsan dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka in ay dardargeliyaan ansixinta sharciyada iyo siyaasadaha hortabinta u leh dowladnimada ee xukuumaddu ay u soo gudbinayso, lana xoojiyo wada shaqeynta Goleyaasha Dowladda.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com