Xaaladda Degmada Aadan Yabaal iyo Shabaab oo tiro dhallinyaro ah ka kaxeystay

Wararka ka imaanaya Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay isaga baxeen degmadaasi, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay kaabiga ku hayaan.

Wararka ayaa sheegaya in degmada lagu arkayo tiro yar oo ka mid ah maleeshiyada Xisbada ee sida booliska u tababaran, mana cadda ujeedada ay ugu harayn.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay horey degmada uga sii kaxeysteen tiro dhallinyaro ah, oo ay ku eedeynayaan falal la xiriira basaasnimo.

Sidoo kale inta badan dadka deegaanka ayaa isaga barakacay guryahooda, iyaga oo ka baqdin qaba in lagu dul dagaalamo.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya inaanay ku degdeggi doonin gelitaanka degmadaasi, oo Shabaabku ku lahaayeen saldhigooda ugu weyn ee gobolkaasi, sababo ku aaddan iyagoo tuhunsan in miinooyin ay ku aaseen wadooyinka soo gala iyo weliba xarumaha muhiimka ah ee ku yaala, waana Aadan Yabaal oo Al Shabaab ay ka arrimineysay muddo dheer.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in sahanka ciidamada iyo raacooda dambe ay gaareen afaafka hore ee degmadaasi.

Ciidamada oo si buuxdo ula wareega Aadan Yabaal ayaa waxa uu macnaheedu yahay in Shabaabka laga saaray bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, gulufka xigana lagu wejihi doono deegaanada ay kaga sugan yihiin galbeedka gobolkaasi.

Madaxtooyada Hirshabelle oo ka shidaal qaadaneysa Villa Somalia ayaa mahdineysa guulaha muuqdo ee laga gaarayo hawlgalada xididada loogu siibayo maleeshiyada Al Shabaab ee ka socda deegaanadeeda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com