Raysal Wasaaraha oo Danjire Souef kala hadlay gulufka dalka ka socda

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee dalka ahna Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), Danjire Mohammed El-Amine Souef.

“Kulanka Raysal Wasaare Xamse iyo Danjire Souef ayaa si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga, dadaalada dib-u-xoreynta, xasillinta iyo doorka ATMIS ee dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

“Madaxa ATMIS, Mohammed El-Amine Souef ayaa intii uu kulanku socday wuxuu Dowladda Somaliya ugu hambalyeeyay guulaha la taaban karo ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka soo hooyeen dagaalka lagula jiro Khawaariijta, gaar ahaan guushii ugu dambeysay ee argagixisada looga xoreyay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellada Dhexe.” Ayaa lagu sheegay warka.

Warka ayaa lagu yiri “Danjire Souef ayaa ballanqaaday in ATMIS ay Dowladda Federaalka kala shaqeynayso dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dadaalada xukuumadda ee amniga iyo xasilloonida dalka looga hirgelinayo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com