Ciidamada oo si buuxdo ula wareegay Degmada Aadan Yabaal

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ayaa maanta si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa maalmihii ugu dambeysayba ku sii siqayay degmadaasi oo aanu wax dagaal ahi ka dhicin, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay isaga baxeen.

Ciidamada ayaa ka hor intii aanay gaarin halkaasi waxay maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalameen deegaanada hoostagga degmadaasi qaarkood.

Maleeshiyada Xisbada ee sida booliska oo kale u tababaran ayaa horey degmadaasi uga sii qaatay bamkii ceelasha biyaha. Xisbada ayaa la sheegay in bamka ay ka fureen labadii ceel biyood ee degmadaasi ku yiilay.

Xisbada ayaa sidoo kale labadii maalmood ee ugu dambeysay waxay degmada ka qabqabteen tiro dhallinyaro ah, oo ay ku eedeynayaan falal la xiriira basaasnimo.

Saraakiisha Ciidamada ayaa maleeshiyadaasi ku eedeeyay in dadkii deganaa degmadaasi ay ku khasbeen in ay guryahooda ka barakacaan.

Gulufkan lagu xoreyay Degmada Aadan Yabaal iyo deegaanada kale ee hoostagga ayaa waxaa ciidamada dhanka cirka ka taageerayay diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga.

Aadan Yabaal ayay Shabaabku ku lahaayeen saldhigooda ugu weyn ee gobolkaasi, waxayna hadda wax degmo ahi gobolkaasi ka jooggaan Degmada Ruunirgood.

Maleeshiyada Al Shabaab oo muddo dheer ka arriminayay Aadan Yabaal ayaa mar laga saaray sanadkii 2016, inkastoo muddo ka dib ay dib ugu laabteen. Tani waxay ka dambeysay markii degmadaasi ay isaga baxeen Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Shabaabka ayaa billihii la soo dhaafay lumiyay dhul ballaaran, oo ay kaga sugnaayeen Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com