Guudlaawe oo socdaal dhinaca dhulka ku tegay Magaalada Jowhar (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta socdaal dhinaca dhulka ku tegay Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabelle.

Madaxweynaha oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa socdaal ku soo maray Degmooyinka Warsheekh, Raage Ceelle iyo deegaanada Warciise iyo Qoordheere oo dhawaan laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha oo safarkan uu ku wehlinayay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan ayaa waxaa Jowhar ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa safarkiisan ku muujinayay in waddada Muqdisho iyo Jowhar ay tahay mid furan.

Dhanka kale Madaxweyne Guudlaawe ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay tallaabada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay maanta kula wareegeen Degmada Aadan Yabaal.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa xusay in uu sii socon doono gulufka maleeshiyada Al Shabaab looga sifeynayo deegaanada Hirshabelle.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa la wareegay inta badan deegaanadii ay Shabaabku ka maamulayeen Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com