Madaxweynaha Somaliya oo Jabuuti kaga qaybgalay Madasha Aragti-wadaagga Heritage (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku gaaray dalka Jabuuti ayaa ka qaybgalay Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayay caqabadaha ka jira gobolka, oo ay ugu horreyan argagixisada, is bedelka cimilada iyo abaaraha soo noqnoqday ee aafeeyay Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku soo bandhigay madasha, guulaha ay dowladda ka gaartay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, deegaanada laga xoreyay iyo sida ay uga go’antahay in la soo afjaro halista kooxaha argagixisada. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay abaaraha iyo saameynta ay ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed.

“Ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka Khawaarijta, waxaa u dambeysay Degmada Aadan Yabaal oo ay dadkeenna ku dhibi jireen maantase xor ah. Al Shabaab waa ku jabeen dagaalka tooska ah. Alle mahaddii waxaan soo gaarnay heer dadkeennu ka doodayaan Shabaab ka dib dalka halkee loo jiheynayaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qaybgalay madashan ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha, shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed guulaha is-daba-joogga ah ee laga gaaray argagixisada iyo deegaanada laga xoreyay.

Labada Madaxweyne ayaa shahaado sharaf ka guddoomay Machadka Heritage, iyadoona lagu maamuusayay doorka ay ka qaateen nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com