Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka ugu baaqay dulqaad iyo taxadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay hawlgalka ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka kula wareegeen Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in maleeshiyada Al Shabaab laga xoreyay Degmada Aadan Yabaal, ayna haatan ku sugan yihiin Ciidamada Qalabka Sida.

“Ciidamada waxay jooggaan Magaalada Aadan Yabaal oo la ogyahay taariikhdeeda & waxay ahayd iyo in dadka Soomaaliyeed loogu yeero meeshaasi lagu duleen jiray, waa ka guureen, waana ka huleeleen, kuma aanay dagaalamin xitaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maleeshiyadaasi ay ceelashii degmada ka furteen bamkii biyaha dibadda u soo tuuri jiray, isla-markaana ay barakaciyeen dadkii ku dhaqnaa degmadaasi.

“Ceelashii biyaha ee ku yiilay ayay bambadii ka siibteen, dadkiina inta ay afduubteen ayay kaxeeyeen ay yiraahdeen na wadiya, ayagoo gaashaan ka dhiganaya dadka oo leh, dadka hadduu idinku dhex jiro la idinma weerari karo, la idinma duqayn karo.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo ku dheeraaday hawlgalada dalka ka socda ayaa dhanka kale sheegay in dhawaan la soo afjari karo Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

“Galmudug wax yar ayaa ka dhiman, Hirshabelle-na tuulooyin ayaa ka dhiman, degmo Hirshabelle ka tirsan oo saakay Ciidanka Xoogga Dalka aanu gaarin Ruunirgood ayaa ka jirto, ayadana waa saacado, Ilaahay idinkiis waa la gaarayaa. Dowlad Goboleedka Galmudug degmooyin ayaa weli maqan, waa lagu sii socdaa ayagana.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay, marka hore inay dulqaad muujiyaan muddada uu hawlgalku socdo, marka xigtana ay taxadaraan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com