Raysal Wasaaraha Somaliya oo qaabilay Wakiilka Shiinaha ee Afrika (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa galabta Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Gaarka ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Afrika, Danjire Liu Yuxi.

Raysal Wasaaraha iyo Wakiilka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal ee Somaliya iyo Shiinaha.

Danjire Yuxi ayaa Raysal Wasaare Barre soo gaarsiiyay salaan diiran, oo uu uga siday dhiggiisa Shiinaha, Li Keqiang, waxaana uu sheegay in Dowladda Shiinuhu ay ka go’antahay xoojinta iskaashiga iyo taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Raysal Wasaare Barre ayaa dhinaciisa soo dhaweeyay xiriirka is qadarinta ku dhisan ee labada dowladood, waxaana uu uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan ee Somaliya ay siiso.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com